Japan waxa ku dhufutay mid ka mid ah duufaantii ugu cuslayd abid. Tobanaan kun oo ka mid ah ciidanka dalkan ku yaala bariga fog ee qaaradda Asia ayaa loo daad-gureeyay goobaha ay mashaqadu ka dhacday, si ay uga qayb qaataan hawlaha gargaarka ee ay dawladuu wado.

Illaa 18 qof ayaa ku dhintay fatahaadaha, tan iyo markii ay duufaantu ka bilaabantay koonfurta magaalada Tokyo maalintii sabtida, halka 13 qof la la’yahya halka ay jaan iyo cidhib dhigeen sida ay ku waramayso warbaahinta dawladda japan.

Raysalwasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa balanqaaday in dawladiisu ay samayn doonto wax walba oo ay awoodo si ay u yarayso khasaaraha ay ka tagayso duufaantani.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga