Duufaanno xoogan ayaa ku dhuftay badhtamaha waddanka Philippines ee dhaca koonfur bari qaaradda Asia, halkaas oo ay ka tagtay khasaare baahsan.

Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku dhimatay duufaanta oo sidoo kale burburisay guryo tiro badan iyo cooshado. Tobanaan kun oo qof ayaa ka qaxay deegaanda xeebaha iyagoo iskugu tegay dekedaha iyo goobo kale, xili ay dad badani u debaal degayaan ciidda Masiixiga.

Duufaanta Urusala ayaa la sheegay in ay ku fidayso deegano kale. Waxay hadda u socotaa deegaano ay hore u burburisay duufaantii Haiyan oo sanadkii 2013 dad ka badan 6000 oo qof ku dishay gudaha Philippines, waxay ahayd duufaantii ugu dhimashada badnayd taariikhda dalkaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga