Guddoomiyaha gobolka Banaadir sidoo kalena ah duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa isagoo ka warramaya qaraxii maanta sheegay inuu ahaa gaadhi Xamuul, guddoomiyaha ayaa xusay inaanay jirin tiro rasmi ah dhimashada oo ay hayaan, balse dhaawaca ayuu ku sheegay inay yihiin sagaashameeyo ruux.

Guddoomiye Filish, ayaa sheegay inay dadku u badnaayeen ardayda jaamacadda Banaadir, wuxuuna xusay inay qaraxan ka dambeeyeen koox uu ku tilmaamay ”Dhagar-qabayaal” xalaalasyta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ciidanku shafka u dhigteen joojinta qaraxan oo lala beegsan lahaa sida uu sheegay goobo muhiim ah oo magaalada kuyaal.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga