Walaaca ay dunidu ka qabto nooca cusub ee virus-ka Karoona ka mid ah ayaa si kordhaysa.

Wadamo badan ayaa xidhay xuduudaha, iyadoo si gaar ah dalka Ingriiska la iskaga joojiyay duulimaadyada ka imanayay ama tagayay dalkaas oo imika uu faro-baas ku hayo fayraskan sida dhakhsaha u fidayaa.

Illaa 40 dal ayaa iska joojiyay duulimaadyada galitaanka iyo ka imaatinka Ingiriiska.

Qaar ka mid ah wadamada Yurub ayaa sidoo kale lagu arkay noocan cusub ee fayraska Karoonaha ka mid ah. Dalka Denmark ayaa lagu arkay kiisaska qaar.

Wadamada Yurub ayaa isku imanaya iyagoo sheegay in ay qaadan doonaan siyaasad isku mid ah oo ku wajahan Covid-19.

Fayraska cusub ee Covid-19 ayaa si aan hore loo arag u fidaya, balse wali ma jirto caddayn muujinaysa heerka dhimashada ee fayrasku in ay ka duwan tahay tii hore loo hayay.

Waxa jira wadamada qaar mar kale iska wada joojiyay duulimaadyada dibadda uag yimaada oo dhan, sida dalalka Sucuudiga, Kuwayt iyo Cummaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga