Dunidu waxay siyaabo kala duwan uga falcelisay dawladda cusub ee shalay ay dhistay kooxda Daalibaan ee la wareegtay talada dalka dhaca badhtamaha koonfureed ee qaraada Asia, Afkaanistaan.

Wadamada qaar walaac ayay ka muujinayaan dawladda cusub ee Daalibaan, halka kuwo kale ay u muuqdaan saaxbiibo ay iskusoo dhawaanayaan Daalibaan.

Dawladda Maraykanku waxay shaki xoogan iyo walaac ka muujisay qaar ka mida ah xubnaha loo magacaabay dawladda ee jagooyinka sare qabtay.

Turkiga oo isagu si dhaw imika ula shaqeeyay Daalibaan, safaaradiisuna ay si caadi ah kabul uga hawlgasho, wuxuu soo dhaweeyay dawladda cusub. Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay wuxuu tibaaxay in ay si dhaw ula socon doonaan dawladda cusub.

Dawladda Qadar oo iyaduna ka hadashay waxay sheegtay in ay ku xukumi doonto Daalibaan sida ay u dhaqmaan madaxda cusub ee la doortay  iyo talaaooyinak ay qaadaan.

Qaramada Midoobay waxay iyadu carabka ku adkaysay dhanka hawlaha argaarka iyo sidoo kale xuquuqaha a mid yihii xuquuqda haweenku.

Dawladda Shiinaha ayaa dhankeeda soo dhawaysay dawladda ke meel gaadhka ah ee Daalibaan. Afhayeenka dawladda Shiinaha ayaa xusya in uu dhamaaday ax uu ku sheegay qaskii Afkaanistaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga