Inta la ogyahay 35 qof oo haween u badan ayaa lagu dilay weerar at kooxo hubaysani ku qaadeen waqooyiga dalka Burkina Faso.

Weerar isla shalay ay mintidiinta ku qaadeen xero milatari oo ku taalla gobolka Soum ayaa waxaa ku dhintay 7 askari iyo 80 ka mid ah kooxaha mintidiinta ah ee weerarka qaaday, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Burkina Faso.

Weerarada oo dhacay Salaasadii ayaa noqday kuwi ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca wadanka Burkina Faso ku dhawaad muddo shan ah, tan iyo marki ay bilowdeen rabshadaha ay hormuudka ka yihiin kooxaha jihaad doonka ah ee hadda ka jira dalkaasi dhaca galbeedka Africa.

Burkina Faso oo xuduud la leh dalalka Mali iyo Miger ayaa tan iyo sannadki 2015-ki waxaa ka dhacayay weeraro ay kooxo mintidiin islaami ah ku qaadayeen ciidamada dowladda. Weeraradaasi ayaa sababay dhimashada boqollaal qof halka ay ku barakaceen kumannaan ruux oor ayid ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga