Shirkadda wayn ee DPWORLD ee laga leeyahay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay jab laxaad leh akla kulantay go’aankii ay dawladda Jabuuti kaga saartay shirkadda dekedda Dooraale oo ay maal galisay.

Dawladda Jabuuti ayaa sanadkii hore ka saartay shirkaddan waddankeeda, iyadoo dacwad ay isla galeena maxkamad ku taala London sheegtay in heshiisku uu ali shaqaynayo.

Maamulaha shirkadda DPWORLD ayaa sheegay in ay ku adagtahay in bangiyadii waawaynaa ay lacag siiyaan, kadib go’aanka xukuumadda Jabuuti. Arintaas oo keentay in maal-galintoodu ay yaraato. :Baananku waxay na leeyihiin hadii sida Jabuuti la idinka saaro meesha aad maal-galisaan, xagee ayuu dhaqaalahayagu kasoo noqonayaa” ayuu yidhi Sultan Ahmed bin Sulayman oo ah madaxa DPWORLD.

DPWORLD waxay imika maamushaa dekedo ku yaala Somaliland, Mozambique, Senegal, iyo Mali.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga