Dawladda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay dowladda Sacuudiga ayada oo sheegtay inay ku garab istaageyso ilaalinta danaheeda dhaqaale.

Qoraal Lagu Qoray Luqadda Carabiga oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yidhi ““Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaadhsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale.”

Soomaaliya ayaa hore Sacuudiga taageero ugu muujisay marar ay is-qabteen dalalka Sweden, Iran iyo dalka Canada oo ugu dambeeyey.

Taageeradan cusub ayaa imaneysa xilli Sacuudiga ay wajahayaan cadaadis caalami ah iyo toddobaad kadib markii ra’iisul wasaaraha Somalia uu boqoday magaalada Riyadh oo uu kula kulmay madaxda dalkaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga