Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Amb. Axmed Ciise Cawad Oo Ka Qeybgalay Shir Madaxeedka Tobanaad Ee Madaxda Iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika Oo Ka Qabsoomay  Caasimadda Rwanda, Kana Wakiil Ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/Llaahi Farmaajo Ayaa Kulamo Gaar Gaar Ah La Yeeshay Qaar Ka Mid Ah Madaxda Ka Qeybgashay Shirkaasi.

Wasiir Axmed Cawad Ciise Ayaa Kulamo La Kala Yeeshay Madaxweynayaasha Rwanda, Kenya, Djibouti, Sudan, South Africa, Iyo Ra’Iisul Wasaaraha Boqortooyada Morocco,

Axmed Ciise Cawad Ayaa Uga Sheekeeyay Hoggaamiyeyaashaasi Horumarka Siyaasadeed, Dhaqaalle Iyo Ammaan Ee Ay Soomaaliya Gaadhay Muddooyinkii Dambe.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Ayaa Waxa Uu Casuumaado Booqasho Rasmi Ah Oo Ay Ku Yimaadaan Soomaaliya U Fidiyay Madaxweynayaasha Dalalka Rwanda, South Africa, Gabon Iyo Ghana.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga