Daweynah india ayaa u codaynaya wareegii koobaad ee doorashooyinka guud ee dalkan ku yaala koonfurta qaarada asia.

Raysalwasaaraha india nrendra modi ayaa raadinaya in mar labaad la doorto, xili uu wajahayo tartan adag.

Illaa 900m oo ka mid ah 1.3b ee ku nool india ayaa u diwaan gashan in cida ay doorbidayaan ay u codeeyaan, iyadoo doorashadani ah tan ugu balaadhan guud ahaan caalamka.

Wajiga koobaad ee codaynta waxa codadkooda dhiiban doona dad gaadhaya 142m oo ku kala sugan 20 gobl, kuwaas oo u kal codayn doona illaa 91 murashax.
Doorashooyinka ayaa sidoo kale ka dhacay deegaanka lagu muransayahay ee kashmir, iyo deegaanka kale ee Chhattisgarh oo ay ku sugan yihiin kooxo hubaysan oo iskasoo hor jeeda.

Raysalwasare nrendra modi oo 68 jir ah ayaa illaa imika ugu cadcad murashaxiinta, inkasta oo uu wajahayo tartan culus.
Tartanka ugu wayni waxa dhexmarayaa Rahul Gandhi oo hogaaminaya xisbiga ugu wayn mucaaridka india, kaas ooraba in uu meesha ka saaro dawlaadda uu hogaamiyo modi, oo ku guuldaraysatay wax ka qabashada saqo la’aanta baahsan ee ka jirta india, iyo faqriga xadhkaha goostay ee haysta malaayiin ka mid ah shacabka reer india.

Doorashada india waxa loo qaybiyay todoba wwareeg, maadaama shacabka india uu yahay kan labaad ee ugu badan dunida marka laga yimaado shiinaha, dhulka ay dagaana uu aad u wayn yahay.

Codaynta ayaa socondoonta illaa 19 bisha danbe ee may, taas oo ka dhigan in muddo 38 cisho ah ay dadku codayndoonaan. Halka la filayo in natiijadana lagu dhawaaqo 23 isla bisha may ee nagu soo wajahan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga