Doorashooyinka Soomaaliya agar ahaan doorashada Golaha Shacabka ayaa loo sameeyay muddo-kordhin kadib markii la ogaaday in aan wakhtiga loo dejiyay lagu dhammaystiri karin kuraasta dhiman.

15ka bisha March ee inagusoo foolka leh ayaa la isla qaatay in la dhammaystiro hawlaha doorashada Golaha Shacabka.

Go’aankan ayaa yimi kadib kulan ay qaateen Golaha Wada tashiga Qaran ee Soomaaliya oo uu shir gudoominayay Raysalwasaare Rooble, qaybna ka ahaayeen dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga