Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Soomaaliya Ayaa Sheegtay In ay aad Ugu Kalsoonyihiin Shaqadii Ay Qabteen, Iyada oo Tilmaantay In Haatan Ay Dhisan Yihiin Tiirarkii Loo Baahnaa.

Xaliimo Yareey Oo U Warramaysay Laanta Afka Soomaaliga Ee VOA-Da Ayaa Intaa Ku Dartay In Dhaqaalo Ka Badan $129 Million Oo Doollar Ay Ku Bixi Doonto Qabashada Doorashada La Qorsheynayo In ay Ka Dhacdo Soomaaliya Sanadka 2020-Ka.

Doorashada Ayay Sheegtay Inay Noqon Doonto Hal Qof Iyo Hal Cod, Waxayna Intaa Raacisay In Nidaamka Doorashada Nooca Uu Yahay Lagu Qeexi Doonaa Shirka 28-Ka Maarso La Filayo In uu Ka Dhaco Magaalada Baydhabo,

Guddoomiyaha Ayaa Ugu Danbeyntii Sheegtay In ay Haatan Ku Gudo Jiraan Diyaarinta Qaabka Ay Noqonayso Doorashada, Taasoo Ay La Wadaagi Doonaan Madaxda Dalka Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga