Magaalada Dhuusamareeb waxa hadda ka socota doorashada madxtinimada ee maamulka Galmudug, waxaana dooranaya baarlaman ay dhismihiisa gadhwadeen ka ahayd dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Khilaafka doorashada Galmudug ayaa wali taagan waxaana jira garabyo kala madax banaan oo dooranaya hoggaan kala duwan sida Ahlu Sunna oo hore madaxweyne u dooratay iyo madaxweyne Xaaf oo Gaalkacayo kaga dhawaaqay maamul kale.

Tiro gaadhaysa afar murashax oo ku qanacsan sida ay dawladda dehxe wax u wado ayaa u taagan jagada madaxweynaha halka shan kalana ay u taaganyihiin madaxweyne ku xigeenka maamulka, waxaana la adkeeyay ammaanka magaalada.

Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in ay doorashada ka maqan yihiin xildhibaanadii Ahlu Sunna, isla amrkaan ayna soo xaadirin.

Wararka kasoo baxa doorashada waxaad goor kasta ka heli kartaan SAABTV.COM/

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga