Dhimashada 6 qof ayaa la xaqiijiyay xeebaha dalka Yemen kadib markii ay degtay doon ay ku saftayeen qaar ka mid ah tahriibayaasha beegsanaysa qaaradda Yurub.

Doonta degtay waxa lagu waramay in ay ka socdeen muhaajiriin gaadhaysa illaa 35 qof.

Marka laga tago lixda qof ee maydadkooda la helay waxa weli la la’yahay 29 qof oo kale. Waxa la rumaysan yahay in ay dhammaantood dhinteen kadib hawl galo lagu baadi goobayo oo la sameeyay.

Todobaadkan oo kaliya, waxa ka sheegay in dad gaadhaya 53 qof ay ku dhinteen ama lagu la’yahay xeebaha waddanka Libya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga