Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump Ayaa Goor Dhawayd Ku Dhawaaqay In Mareykanku Si Xeeladaysan Uga Baxayo Heshiiska Nukliyarka Iran, Isaga Oo Ka Soo Horjeestay Dadaalo Diblomaasiyadeed Oo Qaar Kamidda Wadamadda Reer Galbeedku ku Doonayeen in Ay Ku Booriyaan in aanu Ka Bixin Heshiska.
“Heshiiska Iiraan Waa Mid Cilladeysan, Sidaas Darteed, Waxaan Maanta Ku Dhawaaqayaa, In Maraykanku Uu Ka Noqon Doono Heshiiska Nukliyarka Iran,” Ayuu Yidhi Trump
War Saxaafadeed Ay Soo Saartay Aqalka Cad Ayaa Sheegaya In Trump Uu Ku Amray Maamulkiisa In Uu Isla Markiiba Bilaabi Doono Dib U Habeyn Lagu Samaynayo Heshiiska,
Go’aanka Trump Ayaa Soo Afjaraya Ballanqaadkii Ololihiisa Ee Lagu Joojin Lahaa Heshiiska 2015-Ka, Kaas Oo Uu Trump In Badan Ku Celceliyay “Heshiiskii Ugu Xumaa Abid”.
Sannadkii 2015, Iran Ayaa Heshiis La Gashay Lix Dawladood Oo Kamida Kuwa Ugu Quwadda Badan: Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka, Shiinaha Iyo Midowga Yurub.
Si Kastaba Ha Ahaatee,Madaxwayne Trump Ayaa Tan iyo Markii Uu Xafiiska Yimid Bilaabay Talaabooyin Dhowr Ah Oo Lagu Joojinayo Heshiiska,
"At the heart of the Iran deal was a giant fiction: that a murderous regime desired only a peaceful nuclear energy program. Today, we have definitive proof that this Iranian promise was a lie." pic.twitter.com/9m4VBjnHj7
— The White House (@WhiteHouse) May 8, 2018