Mareykanka ayaa Ku Dhawaaqay in Uu gabi ahaanba Joojiyay 200 Milyan Dollar, Oo Deeq Uu U Siin Jiray Falastiiniyiinta Ku Sugan Marinka Qaza, Sarkaal Ka Tirsan, Mareykanka Ayaa Sheegay In Go’aanka Ay Ku Joojiyeen Deeqdii Ay Siinayeen Shacabka Falastiin Ay Ka Timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump,

Sarkaal Falasttiini Ah Ayaa Ku Tilmaamay Go’aanka Mareykanka Taallaabo Xun Oo Ay Mas’uuliyad Darro Ku Dheehantahay.

Hoggaanka Falastiiniyiinta Ayaa Qaadacay Dadaaladda Nabadda Ah Ee Uu Wado Mareykanka Tan Iyo Intii Madaxweyne Trump Uu U Aqoonsaday Quddus Caasimadda Israa’iil.

Xidhiidhka Maraykanka Iyo Falatsiniyiinta Ayaa Sii Xumaanayey Tan Iyo Markii Madaxweyne Trump U Awoodda Dalkaasi La Wareegay

Maamulka Falastiniyiinta Iyo Hay’Adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Falastiniyiinta Ayaa Ka Digay In Deeqdaasi La Jaro Sababtoo Ah Waxay Adkeynaysa Nolasha Shacabka Qaza

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga