Dawladda Shiinaha ayaa diyaaradaha loo yaqaano Xinzhou-60 siinaysa dalka Jabuuti, iyadoo hore laba diyaaradood oo noocan ah uu Shiinuhu u siiyay dawladda Jabuuti.

Nooca diyaaraddan ayaa lagu sameeyaa sahaminta meesha fog laga hago, hawl galada kor-meerka ah, ka jawaabista musiibooyinka degdega ah, arimaha beeraha iyo shaqooyin kale.

Diyaaraddan Xinzhou-60 ee Shiinaha lagu farsameeyo ayaa laga mahad sheegtay adeegayda ay u qalabaysantahay in ay bixiso, iyadoo dawlado dhawr ah uu Shiinuhu siiyay.

Shiinaha ayaa saldhig milatari ku leh dalka Jabuuti, isagoo saaxiib dhaw la ah dawladda Jabuuti.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga