Diyaaradaha qaranka ee Sucuudiga iyo Qatar ayaa ku dhawaaqay in ay si rasmi ah u bilaabayaan duulimaadyada tooska ah ee labada waddan oo sanadadii dhawaa xidhnaa.

Saddex sanno ayayna jirin wax diyaarado ah oo u kala gooshayay labadan waddan ee ku yaala Khaliijka Carabta, kadib khilaaf dhanka siyaasadda ah oo soo kala dheex galay wadamadan.

Saudi Aiways iyo Qatar Airways ayaa todobaadka danbe ka kala degi doona Dooxa iyo Riyaad.

Dawladaha Sucuudiga iyo Qatar ayaa is hayay saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, iyagoo aan lahayn wax xidhiidh ah. Kadib afart waddan oo carbeed oo Sucuudigu uu hor kacayay oo go’doomiyay dawladda yar balse qaniga ah ee Qatar.

Dawladaha Maraykanka iyo Kuwayt ayaa qayb laxaad leh ka qaatay in wadamadani ay dib usoo celiayaan xidhiidhkii ay lahaayeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga