Xiisad cusub ayaa dib uga bilaabantay gobolka Idlib ee dalka Suuriya, halkaas oo wadamo shisheeye ay isku hayaan.

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa mar kale duqeeyay deegaano ka tirsan gobolka Idlib, iyadoo khasaare badanina uu ka dhashay.

Duqaymahan ayaa kusoo beegmaya xili dhaqdhaqaaqyada Turkiga ee gobolku ay sare u kaceen mudooyinkii danbe, taas oo uu soo faragaliyay Ruushku.

In ka badan 50 maleeshiyaad taabacsan dalka Turkiga ayaa lagu dilay duqaymahan cusub, waxa sidoo kale ay diyaaradaha Ruushku bartilmaameedsadeen xeryo ay leeyihiin ciidamada kasoo horjeedaa.

Ruushka iyo Turkiga oo iyagu aan dagaal toos ah iskaga hor iman ayaa kala taageeraya maleeshiyaad ka dagaalamaya gobolka Idlib.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga