Diyaaradaha Israa’iil waxay wali duqaynayaan deegaanada Falastiiniyiinta ee Marinka Qaza. Waa maalintii todobaad ee xidhiidh ah oo diyaaradaha Israa’iil ay si bilaa kala sooc ah u garaacayaan Qaza.
Ciidamada Israel ayaa beegsanaya wax ay ku sheegeen fadhiisimaha ururka Xamaas ee Marinka Qaza, kadib weeraro ay ciidamadu ku eedeeyeen in dhanka Falastiin lagasoo qaaday kuwaas oo lala eegtay deegaanada xadka oo fadhiisin u ah ciidamada Israa’iil.
Duqaymaha habeenimada Salaasada ayaa kusoo beegmaya xili saraakiil ammaanka ah oo ka socda Masar ay ku suganyihiin deegaanka. Waxay isku dayayeen in ay dhinacyada dhexdhexaadiyaan ,waxayna la kulmeen saraakiil ka tirsan ururka Xamaas.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in ay arkayeen diyaaradaha dagaalka Israa’iil oo bar tilmaameedsanaya fadhiisimaha Xamaas.