Diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha ayaa maalintii labaad oo xidhiidh ah galay hawada jasiiradda aqoonsi-raadiska ah ee Taywan, oo Shiinuhu uu sheegto lahaansheheeda. Waa xili xiisadda marinka xasaasiga ah ee Taywan ay kacsantahay.

Wasaaradda Difaaca ee Taywan ayaa ku baaqday in Shiinuhu uu joojiyo wax ay ku sheegtay burburinta nabadda gobolka. “Wasaaradda Difaacu waxay mar kale ugu baaqaysaa xisbiga shuuciga ee Shiinaha u taliya, in aanay mar kale burburin nabadda gobolka iyo xasiloonida” ayaa lagu yidhi war ay wasaaradda difaaca ee Taywan soo saartay.

Shiinaha ayaa cir iyo dhulba wax u muuqda dhoola-tusyo ka samaynayay hareeraha jasiiradda todobaadadii aynu soo dhaafnay.

Dawladda Shiinaha ayaan iyadu wali ka hadal arintan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga