Diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee Pakistan International Airllines (PIA) taas oo kasoo duushay Lahore kuna sii jeedday magaalada Karachi ayaa burburtay maanta oo Jimce ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha duulimaadyada dalkaasi.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daraya inay diyaaraddu burburtay, xilli ay damacsanayd inay ku degto gegida Jinnah, taas oo ay saarnaayeen rakaab ka badan 90 qof.

Dad goobjoogeyaal ah, ayaa warbaahinta u sheegay in qiiq madow uu isku xidhay hawada sare, kaas oo kasoo baxayay goobta burburku ka dhacay.

Illaa hadda waxaa xaddidan wararka kasoo baxaya meesha burburku ka dhacay, wakaaladda wararka ee AP ayaa soo xiganaysa afhayeen u hadlay haayadda duulimaadyada dalkaasi, kaas oo sheegay in diyaaraddan nooceedu uu ahaa Airbus A320, Dadka saarnaana ay dhammaayeen 99 qof oo rakaab ah iyo 8 shaqaale ah.

Telefishan maxalli ah ayaa baahiyay muuqaallada shaqaalaha gurmadka degdegga ah iyo Ambulance-yo ku sii jeeda goobta shilku ka dhacay.

Waa burburkii labaad ee diyaarad rakaab muddo 4 sanno gudahood ah, waxay ahayd sannadkii 2016-kii markii shil-diyaaradeed isla dalkaas ay ku geeryoodeen 47 qof.

dhacdadan, ayaa imanaysa xilli Pakistan ay si qunyarqunyar ah u yaraynaysod duulimaadyada gudaha xanuunka Coronavirus dartii.

Saraakiisha dhanka ammaanka iyo madaxda dalkaasi, ayaa sheegay in baadhitaanno lagu samayn doono sababta ay diyaaraddani u burburtay.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga