Diyaarad nooca rakaabka qaada ah oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha eeĀ Ariana Airlines ee laga leeyahay waddanka Afkaanistaan ayaa goor dhawayd burburtay, sida ay ku warantay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Diyaaradda ayaa kusoo dhacday deegaan hoos taga magaalada Ghazni oo lagu magacaabo Deh Yak. Waa bariga Afkaanistaan.

Illaa 83 qof ayaa saarnaa diyaaradda marka ay dhacday, waxaana laga cabsi qabaa in khasaare baaxad leh ay ka tagto.

Wali ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha dhabta ah, xili wali ay socdaan baadhitaanadu.

SHEEKADFANI WALI WAY SOCOTAA EE FADLAN KUSOO NOQO SI AAD U OGAATO WARARKA SOO KORDHA.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga