Duulimaad kasoo kacay magaalada Krakow ee koonfurta dalka Poland, kaas oo u socday Caasimadda jamhuuriyadda Ireland ee Dublin ayaa lagu khasbay inay cagadhigato kadib markii suuliga lagu arkay farriin sheegaysa inay diyaaradda saaran yihiin walxaha qarxaa.

Duulimaadka, oo ay lahayd shirkadda Ryanair, ayaa loo weeciyay gegida Stansted ee magaalada London, si ay baadhis ugu sameeyaan booliska Essex.

Laba kamid ah diyaaradaha ciidanka cirka boqortooyada, ayaa garab duulayay, taasi oo soo fadhiisatay lixdii iyo afartan, xilliga xagaaga Britain maalintii Isniintii.

Boolisku, waxay sheegeen inaan laga helin wax laga shakiyo, iyadoo laba ninna loo xidhay tuhunka ah samaynta baqdin iyo khatargelinta diyaaradda.

Labada nin ee xidhan, ayay da’doodu kala tahay 26 iyo 47 jir, kuwaas oo xabsiga kujira.

Diyaaradda, ayaa lagu wareejiyay shirkadda ka shaqaysa madaarka Stansted, afhayeen u hadashay shirkadda Ryanair, ayaa waxay sheegtay inay diyaaraddu si caadi ah u cago-dhigatay, balse diyaaradda lagu dejiyay meel aad u fog, halkaasi oo ay rakaabku kaga soo nabad-baxeen.

Muuqaallada diyaaradda oo hawada sare ku jirta, taasi oo ay korka ka ilaalaynayeen diyaaradaha ciidamada cirka boqortooyadu, ayaa lagu wadaagayay baraha bulshada gaar ahaan barta Twitter.

Afhayeen u hadlay shirkadda Ryanair, ayaa hore iyadu u sheegtay in diyaaradda iyo rakaabkaba marka boolisku  baadhistooda dhammeeyaan ay go’aan ka gaadhi doonaan, kuwaasi oo rejo wanaagsan ka muujisay sii wada shada safarkooda Dublin,  balse warar kale ayaa sheegaya in rakaabkii diyaaradda ee baadhistu ka dhammaatay la saaray diyaarad kale, taasi oo ka dejisay magaaladii ay u socdeen ee Dublin.

Shirkadda Ryanair,a yaa kamid ah kuwa ugu jaban qaaradda Yurub, taasi la aasaasay sannadkii 1984-kii, waana mid kamid ah kuwa loogu isticmaalka badan yahay qaaraddaas

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga