Diyaaraddan, oo ah nooca wax basaasa ee ”Drone-ta”, ayaa maanta ku burbrutay degaanka Biyo-neef, ee degmada Buurweyn ee gobolka Hiiraan, wararka dadka degaanka, ayaa sheegaya in diyaaraddani ay ku soo dhacaday, dhul beerdyo ku yaalla degaankaas kadibna ay gubatay gebi ahaanbo.

Ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM, ayaa ku baxay degaanka ay diyaaraddu ku soo dhacaday iygoo ka soo qaaday sawirradan, waxaana ay sheegeen in ay diyaaradda guud ahaanba burburtay.

Weli ma jiro dal sheegtay inuu leyahay diyaaraddan, hayeeshee dawladda Mareykanka, ayaa hawlagallo ka dhan ah Al-shabaab, kaga qeyb-qaata diyaaradaha noocan ah gudaha dalka Soomaaliya.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad war xaqiiqada ku sal leh ka heli karto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga