• Guddiga isku dhafka ah ee golaha shacabka iyo Aqalka Sare ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabayo diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, iyadoo la soo bandhigay shuruudaha laga rabo musharaxa madaxweyne.

Diiwaan gelinta musharixiinta ayaa socon doonta ilaa 10-ka bishan oo ku beegan maalinimada Salaasada ah, waxeyna guddiga shalay soo bandhiggeen sawirrada goobta ay ka dhaceyso diiwaan gelinta oo ah xarunta golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxa u taagan xilka madaxweynaha waxaa laga doonayaa inuu bxiyo lacag $40,000 (Afartan Kun oo Doolar) iyo inuu heysto saxiixa 20 xildhibaan oo taageersan musharaxnimadiisa, sida ay shacaiyeen guddiga doorashada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga