Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera hanaanka dawladnimo iyo dimuqraadiyadda ayaa war kasoo saaray xaaladaha doorashada iyo guud ahaan dimuqraadiyadda Somaliland.

Beesha Caalamku waxay sheegtay in hogaamiyayasha siyaasadda Somaliland looga baahanyahay in ay qeexaan dhabaha ay doorashooyinku sanadkan ku qabsoomayaan, iyadoo la marayo dhabe taladiisa laga wada qayb qaatay.

“Waa muhiim in diyaar garawga ay sameeyeen gudida doorashooyinku ee ku aadan diwaan galinta in hadda la bilaabo. Si loo dhammaystiro ka hor wakhtiga doorashada.” ayay tidhi Beesha Caalamku.

Wadamada Somaliland taageera waxay cadeeyeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Somaliland iyo hanaankeeda dimuqraadiyadda.

Warka Beesha Caalamka ayaa imanaya xili mucaaradka Somaliland ay dalbanayaan in wakhtigeeda lagu qabto doorashada madaxtinimada ee November, 2022, balse xukuumadda ayaa sheegaysa in doorashada ururadu ay ka horayso ta madaxtinimada waana arin ay sharci-yaqaanadu qabaan in ay baal marsan tahay xeerarka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga