Qaramada Midoobay waxay shaacisay tirada dadka Soomaalida ee shacabka ah ee la dilay labadii sanno ee alsoo dhaafay, iyadoo tirada ay sheegeen ay muujinayso korodh sanadkii 2021 ku yimi dadka shacabka ah ee lagu dilo gudaha Soomaaliya.

1,170 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay ama lagu dhaawacay qaraxyada ka dhaca gudaha Soomaaliya, sida ay tilmaamayso xog ururin ay sii daysay Qaramada Midoobay xafiiskeeda Muqdisho.

501 qof waxa la dilay ama la dhaawacay sanadkii 2020, halka sanadka 2021 dad gaadhaya 669 qof oo Soomaali ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay qaraxyada Soomaaliya.

Kooxda alShabaab ayaa badi weeraradaas sheegatay masuuliyadooda halka ay jireen qaraxyo kale oo lagu eedeeyay alShabaab balse ay iyadu iska fogaysay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga