Wakiilkii Hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya, oo sidoo kalena soo Noqday safiirka Washington u fadhiya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa loo xilsaaray in uu noqodo Ergada Qaramada Midoobay u Qabilsan Arimaha Soomaaliya isaga oo badalaya Danjire Nicolas Haysom oo ay Dawladda Soomaaliya afar bilood ka hor Dalkeeda Ka Caydhisay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Gollaha Amaanka u Sheegay in uu Qorsheynayo in James Swan uu u Magacaabo Danjirihiisa u Qabilsan Arimaha Soomaaliya.

Ambasator Swan, ayaa sidoo kale Hore usoo Noqday ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Qaaradda Afrika iyo Safiirka Maraykenka u Jooga Jabuuti,

Ambasator Swan ayaa la rajeynayaa in ay Cod Aqbaliyadda Ku Tageeraa goluhu, Sida ay Warbaahinta u Shegeen diplomasiyiin Ka Tirsan Qaramadda Midoobay.

Haysom, oo ah qareen u Dhashay Dalka Koonfur Afrika iyo diblomaasi waayo-aragnimo leh, ayaa Lagu Wargaliyey in uu ka baxo Soomaaliya kadib markii uu Dawladda Federaalka Waydiiyay dariiqa ay u martay xadhiga Sheekh Mukhtaar Roobow oo Hore ugasoo Mid noqday Ururka Alshabaab isla Markaana ahaa Musharax u Taagan Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya.

Swan ayaa sanadkii 1993-kii ilaa 1994-kii u joogay soomaaliya dawladda Maraykanka, waxaanu noqonayaa diblomaasi wax badan kala socda arrimaha soomaalida, halka uu dhinaca kalena noqonayo diblomaasi dawladda maraykanka u qaabilsanaa 24 wadan oo ku yaala qaarada afrika.

Waxa xilkan uga horeeyay, xilkan maanta qaramada midoobay u magacwadayna soo qabtay 1. Nicholas Haysom South African Ingriis, Michael Keatings oo u dhashay dalka ingiriiska, Nicholas Kay oo isna u dhashay dalka ingiriiska, : Augustine Mahiga oo u dhashay wadanka tansania, halka kuwa kalena ay ahaayeen siyaasiyiiin caan ah.

Swan ayaa sidoo kale waxa uu noqonayaa ergaygii sagaalaad ee qaramad midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya, waxaanay su’aasha hortaala ay tahay muxuu ka bedeli karaa siyaasada soomaaliya ee gabi dhaclaynaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga