Ciidamada booliska ee magaalada Baqdaad ayaa rasaas nool ku furay maanta oo Jimce ah dibadbaxayaal maalintii afraad mudaharaado ka wada caasimadda. Dadka ayaa ka cabanaya musuqmaasuqa, shaqo la’aanta iyo adeegyada dadweynaha oo liita.

Kumanaan qof oo dhalinyaro u badan ayaa dhigaya dibadbaxyada, iyadoo dawladduna ugu baaqday in ay hakiyaan rabshadaha.

Bandoo ayay dawladdu kusoo rogtay magaalada Baqdaad, balse dadka mudaharaadaya ayaa kasoo horjeedsaday.

Ciraaq waa waddanka afraad dunida ee haysta saliidda ugu badan, balse dadkiisa oo 40 million ah ayaa badi faqri la nool. Iyadoo ay liitaan adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo fayo-dhawrku.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga