Isku dhac ayaa dhex maray mudaharaadeyaal cadhaysan iyo xoogagga ammaanka dalka Lebnaan, wararka ka imanaya dalkaasi, ayaa sheegaya in dadka dibad-baxa dhigayay ay ka cadhaysnaayeen xaaladda dhaqaale oo sii xumaanaysaa iyo noloshii oo aadkaatay.

Madaxwaynaha Lebnaan Michel Aoun, oo hadlay ayaa sheegay inay dawladdu waddo qorsheyaal ay kor ugu qaadayso dhaqaalaha waddanka kuna xoojinayso lacagta dalka. 

Mudaharaadeyaasha, ayaa ku tuuray dhagxaan booliska iyo xoogagga ammaanka, iyagoo iyana ku jawaabayay gaasta dadka kaga ilmaysiisa iyo rasaasta caagga ah si ay u kala eryaan dibad-baxayaasha, kuwaas oo marba marka ka dambaysa sii badanayay tan iyo saacadihii ugu dambeeyay maalintii Jimcihii.

Baabuurta gaashaaman, ayaa lagu arkayay jidadka magaalada caasimadda ah ee Beirut iyo midda kale ee Tripoli iyadoo ay ku dhaawacmeen illaa 33 qof.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa gaadhay goobta, waxaana la arkayay dedaalka ay ugu jiraan badbaadinta dadka dhaawacmay, kuwaasi oo ay kamid yihiin laba kamid ah ciidamada ammaanku.

Wararka, ayaa sheegay in qaar kamid ah mudaharaadeyaashu, kuwaasi oo u badnaa dhallinyaro ay boobeen dukaamo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Beirut.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga