Guud ahaan geyga Soomaalidu degto waxaa fara baas lagu hayaa dhirta, taasoo ilaahay bini-aadamka ugu deeqay dhulkanka ku qurxiyay, dhirta, ayaa ah warshadda ugu wayn ee soo saarta neefta layidhaa Ogsajiinta, oo lagama maarmaan u ah noolaha.

Daraasado badan oo la sameeyay ayaa sheegaya, in meeliba meesha ay ka dhir badan tahay ka roob badan tahay, taasoo culimada dhanka sayniskuna ay sheegeen in sababaha soo celceliya abaaraha dabada dheeraaday ee geyga Soomaalida kusoo noqnoqda ay kamid tahay googooynta dhirta, sida arxanka daran loo dabargoynayo.

Runtii waxaa weli jirta duruufo farabadan oo sabab u ah googoynta dhirta, kuwaasoo ay kamid tahay isticmaalkeeda dhuxul ahaan loo isticmaalo, iyo dhaqanka miyiga ee guri dhisidda, xero samaynta iyo wixii la halmaala.

Balse waxaan sinaba layskugu diiddanayn, in dhir kasta oo innaga go’daa ay tahay mid ka go’aan deegaankeenna, sababna u noqon karta in jewiga macaani meesha ka baxo, abaaro lagu riiqdaana ay soo noqnoqdaan.

Sawirka waxaa qaaday Ahmed Kadleye

Saab TV, kala soco wararkii ugu dambeeyay adduunka

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga