Saamilayda siyaasadda ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aamada kasoo baxay shirkii wada tashiga ee todobaadkii tegay ka socday magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa socday muddo lix maalmood ah iyadoo raysalwasaaraha Soomaaliya, gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyo madaxweynayaasha maamul gobleedyadu ay si adag uga dooden geedi socodka doorashooyinka iyo amniga.

Midawga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay is afa garadka shirka iyagoo ku tilmaamay tallaabo dhanka horusocodka loo qaaday.

Dhankooda waxa soo dhaweeyay go’aamada shirka gudiyada doorashooyinka Soomaaliya oo iyaga hawsha ugu wayni ay u taalo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga