Allaah haw u naxariistee 3 qof ayaa dhimatay, 8 kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo ka dib markii caawa fiidkii uu roob laxaad lihi ka da’ay qaybo ka mid ah magaaladda Hargeysa.

Maydka saddexda qof iyo dhaaawaca 8 qof ayaa la soo gaadhsiiyay cusbitaalka guud ee magaaladda hargeysa.

Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in dadkan dhintay iyo kuwa dhaawacmayba uu ku soo dumay guri ay ka dhisteen magaaladda hargeysa, kaas oo ka danbeeyay ka dib markii caawa fiidkii ku dhuftay roob dabaylo xoog leh wata.

Ma jirto ilaa iminka faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa khasaareha uu sababay roobkaasi laxaadka leh ee galabta ka da’ay magaaladda hargeysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga