Dhimashada ayaa gaadhay 9 qof gudaha dalka Afkaanistaan ee dhaca koonfurta qaaradda Asia.

Mashaqadan ayaa ka dhalatay kadib laba qarax oo ka dhacay deegaan dhaca waqooyiga dalka Afkaansitaan.

Dad gaadhaya 13 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxyadan oo ay u dhexeeyeen daqiiqado kooban sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadku.

Warabaahinta deegaanka ayaa ku warantay in dadka la bartilmaameedsaday ay ahaayeen dad Shiico ah, oo lagu beegsaday caqiidadooda.

Kooxda Daacish ayaa goor danbe sheegatay masuuliyadda weeraradaas. Waxay warkan ku baahiyeen barta ay ku leeyihiin Telegram.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga