Tirada dhimashada ayaa sii kordhaysa xadka u dhexeeya wadamada Turkiga iyo Giriiga iyadoo laga cabsi qabo in ay dad kale ku nafwaayaan xadka.

Waa muhaajiriin qabow dartii ugu dhintay xadka kala qaybiya labadan waddan, waaxana jira eedaymo ay hawada isu marinayaan labada dawladood ee Turkiga iyo Giriiga.

Maydadka todoba qof ayay heleen ciidamada ilaalada xakda ee dalka Turkiga kadib markii uu qabowgu dilay.

Tirada guud ee dhiamshada ayaa noqonaysa 19 qof maalmihii lasoo dhaafay, waana muhaajiriin rabtay in ay u tallaabaan dhanka wadamada kale ee Yurub dhammaan dadkaasi.

Midawga Yurub ayaa walaac ka muujiyay dhimashada sii kordhaysa ee xadka labada waddan ee Turkiga iyo Giriiga, iyo eedaymaha dawladahan.

Dad Soomaali ah ayaa ku jiray dadka hore ugu xanibnaa xadka Giriiga iyo turkiga balse lama oga in dadkan ay ka mid yihiin Soomaali.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga