Dhimashada ayaa sii kordhaysa magaalada Freetown ee caasiamdda waddanka Sierra Leone, halkaas oo booyad shidaal siday ay uu dab qabsaday.

Illaa 63 qof oo kale ayaa lagu dabiibayaa afar cisbitaal oo ku yaala isla magaalada Freetown, sida ay xaqiijiyeen maamulka caasimaddu.

Boyyadan ayaa todobaadkii tegay qaraxday balse khasaaraha dhimashada ayaa tan iyo markaa kor u socotay, iyadoo mashaqadu sii ballaadhatay.

Mashaqada ayaa ka dhlatay kadibmarkii gaadhi xamuul ahi uu ku dhacay booyada shidaalka siday oo maraysay waddo mashquul badan oo is-goys ah. Dab ayaa ka kacay intaa kadib booyada shidaalka taas oo sababtay khasaaraha baaxadda leh.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga