Dalka Maraykanka ayay sare u kacday tirada dadka u dhintay caabuqa Covid-19 ee kasoo bilaabmay dalka Shiinuhu, iyadoo hadda Maraykanku uu noqonayo dalka ugu dhimashada badan guud ahaan caalamka.
Labaatan kun oo qof ayay sare u dhaaftay dhimashadu sida ay tilmaamayso xog-ururintii ugu danbaysay, iyadoo nus milyan qof dad ku dhawina ay caabuqa qaadeen gudaha Maraykanka.
Hore ayay khubarada caafimaadka ee America u saadaaliyeen in dhimashada Maraykanku ay gaadhi karto boqol kun oo qof.