Tirada dhimashada qaraxii Beledweyne ayaa sii kordhaysa iyadoo dhaawacyaduna ay sidoo kale kordheen.

Dhimashada ayaa gaadhay 48 qof halka dhaawacuna gaadhay 108 qof wuxuuna noqonayaa qaraxii ugu cuslaa ee reer Beledweyne ay arkaan sanado badan.

Madaxweynaha Hirshabeele o ka hadlay qaraxa ayaa ku baaqay in ciidamada iyo shacabku ay heegan galaaan, iyadoo qaraxyo kale la filayo.

Kooxda alShabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaas balse saraakiishii hore ee Sirdoonka Soomaaliya ayaa ku sheegay “mid siyaasadaysan”.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga