Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga ayaa lagu eedeeyay in uu kooxo hubaysan u diray dalka Canada, si ay u dilaan nin hore ugu shaqayn jiray sirdoonka boqortooyada Sucuudiga oo imika Canada ku sugan.

Maxamed bin Salmaan ayaa la sheegay in uu rabo dilka Sacad alJaabiri, balse qorshaha ayaa fashilmay, sida lagu xusay dacwado ka dhan ah dhaxal-sugaha oo la geeyay maxkamad Maraykanka ku taala.

alJaabiri ayaa saddex sanno ka hor ka cararay dalka Sucuudiga isagoo magan-galyo dalbaday, balse xukuumadda Riyaad ayaan ka hadhin.

Wuxuu ku suganyahay xarun gar ah oo ammaan, taas oo ku taala magaalada Toronto ee dalka Canada.

Isku-daygan cusub ayaa imanaya laba sanno kadib markii boqortooyada Sucuudiga lagu eedeeyay dilka wariye Jamal Khaashuqji oo qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbuul lagu dhex dilay. 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga