Cisbitaalkani, ayaa loogu talagalay in lagula tacaalo dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Iyadoo Cisbitaalkan uu qaadayo qiyaastii illaa 4,000 oo sariirood, kaasoo noqonaya kii ugu horreeyay ee la dhameeyo iyadoona ay jiraan cisbitaallo kale oo gacanta lagu hayo, kuwaas oo loogu talagalay in lagula tacaalo dadka uu haleelo xanuunka sida wayn dunida u saameeyay ee Coronavirus.

Cisbitaalkan lagu dabiibayo dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus, ayaa la dhameeyay oo la qalabeeyay laguna diyaariyay muddo 216 Saacadood oo keliya ah.

Arrintan cajiibka ah ee ku saabsan cisbitaalkan laga dhisay bariga magaalada London, ayaa ah inuu xadhigga ka jaray Amiir Charles oo isagu ku karantimaysan Scotland, kadib markii uu asiibay xanuunkani, iyadoo xadhig kajariddana uu Amiirku u adeegsaday Video Link.

Xoghayaha guud ee caafimaadka Britain Mr. Matt Hancock, ayaa waxa uu sheegay haddii la qaadan waayo amarrada hawl-wadeennada caafimaadka, laguna sugnaan waayo guryaha, ay dhimashadu gaadhi karto illaa 50,000 oo qof dalka UK.

Mr. Hancock, xoghayaha caafimaadka Ingriisku waxaa kale oo uu sheegay inay dhimashadu gaadhi doonto halkii ugu sarraysay 12 bishan April ee aynu ku jirno.

24-kii saacadood ee aynu soo dhaafnay, ayaa waxaa Coronavirus ugu geeryooday dalka Ingriiska 684 qof, iyadoo maalinta Axadda ahna la filayo, in boqoradda waddanka Ingriisku, ay dadwaynaha kala hadasho warbaahinta, iyadoona ka hadli doonta xanuunkan asiibay dunida.

Khudbadda boqoradda dalka Ingriiska, ayaa noqon doonta tii afaraad ee ay jeediso wakhtiyada ay yimaadaan xaaladaha degdegga ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga