Ingiriiska ayaa wajahaya dhaqaale xumadii ugu waynayd muddo sanado ah. Dalkan ka go’ay Midawga Yurub ayuu dhaqaalihiisu si xawli ah hoos ugu dhacayaa, 2% ayuu is-dhimay saddexdii bilood ee ugu horeeyay sanadkan 2020, waxaana u sababa xanibaadaha uu keenay xanuunka Covid-19.

Waa hoos u dhacii ugu darnaa ee ingiriiksu uu la kulmo wixii ka danbeeyay dhaqaale-burburkii dunida ee sanadkii 2008-dii. 

Khubarada dhaqaalaha ayaa saadaalinaysa in hoos u dhaca dhaqaalaha Ingiriisku uu intan kasii badan doono, madaama wali xayiraadahu ay qayb ahaan jiri doonaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga