Kooxda alShabaab ayaa la ogaaday in ay aduun badan ku bixiso dhanka hubka taas oo snaad walba malaayin doollar gaadhaysa.
$24 million ayay alShabaab sanadkii ku bixisaa soo-iibsashada hubka waana dhaqaale ay meelo kala duwan ka samayso.
Maxadka Hiiraal ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in alShabaab ay hubka ka iibsato suuqa madaw ee Soomaaliya, iyo ganacsato hubka kasoo iibsata Yemen oo ay qandaraasyo kala saxeexdaan.