Boqolaal Soomaali Ah Ayaa Ka Soo Qeybgashay aas Si Wada Jir Ah Loogu Sameeyay Labo Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Maalinimadii Sabtida Lagu Dilay Mid Kamid Ah Xaafadaa Magaalada Columbus.

Dhalinyaradan Waxaa Ay Wada Saarnaayeen Halgaadhi Waxaana Loo Tooktay Si Isku Mid Ah Mana Suurogalin In Dhaawac Lagu Soo Gaadho.

Booliska Oo Goobta Yimid Ayaa Qaaday Medka Kuna Wargaliyay Laamaha Amaanka In La Dilay Labo Dhalinyaraa Oo Wali aan La Hayn Dadkooda Waxaase Maalin Kadib Ogaaday Eheladooda Oo Lagu Wareejiyay.

Manta Ayaa Lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta Ee Columbus Ohio Waxana Ka Soo Qeybgalay Dad aad U Baddan Oo Ka Murugsan Waxa Dhacay.

Waxaa Lagu Kala Magacaabi Jiray Cabdullaahi Sacid Sharif Oo 30 Jir Ahaa Iyo Cabdikhaaliq Sacid Maxmed Oo 20 Jir Ahaa.

Ehelada Labadan Dhalinyaradaa Waxaa Ay Noo Xaqiijiyeen In Aysan Ilaa Iminka Helin Wax Faahfaahin Ah Oo La Xadhiidhta Dilkooda Baadhitaan Aysan Ka Hordhici Karina Uu Socdo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga