Dhakhtarad u dhalatay waddanka Itoobiya ayaa iskasoo tuurtay daar ku taala magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya, halkaas oo dhaawac xoogani uu soo gaadhay.

Gabadhan dhakhtaradda ah oo lagu magacaabo Naadiya Cumar ayaa imika lagula tacaalayaa xaaladeeda cisbitaal ku yaala Garoowe, iyadoo dhakhaatiirtu ay sheegayaan in xaaladeeda caafimaad ay kasoo fiicnaanayso sidii hore.

Weli ama oga sababta keentay in dhakhtaradani ay iskasoo tuurto dhismahan ku yaalay Garoowe.

Waxa la sheegay in ay u dhaxday nin asalkiisu yahay Suuriyaan oo isaguna dhakhtar deegaanka ka hawl gala ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga