Boggaga taariikhda dunida, marnaba si fudud uga bixi mayso, waa bar madow oo aan weligeed baaba’ayn, Falastiiniyiintu, waxay ugu yeedheen maalintii Musiibada, Israa’iiliyiintuse waxay u arkaan guul taariikhi ah.

Waxay ahayd bishii May 15-keedii, sannadkii 1948-kii ku dhawaaqiddii Israa’iil uun kadib.

72 sannadood ka hor, markii maamulkii  bulshada Yuhuudda Falastiin kaas oo loo yaqaannay Yishuv uu si rasmi ah iskugu bedelay dawladda Israa’iil iyagoo taageero ka helaya gumaystihii Ingriiska ee dhulkaa ka baxayay kaas oo qabsaday intii lagu guda jiray dagaalkii kowaad ee adduunyada.

Falastiiniyiinta, maalinta Nakhba ugama dhigna oo keliya dhacdo taariikheed oo dhacday, balse waxay kamid ahayd uun qorshe u ololeeyahaasha arrimaha Yuhuuddu ay soo bilaabeen sannadkii 1880, xilligaasi oo ay dhaqdhaqaaqyada Yuhuuddu ka bilaabmeen qaaradda Yurub.

Markii ururrada Yuhuuddu ku guulaysteen riyadoodii dhismaha dal u gaar ah sannadkii 1948-kii, qax Falastiiniyiintu wuxuu ahaa mid aan kala joogsan, taas oo sii xoogaysatay markii Israa’iil ay jabisay dalalkii Carbeed ee isku soo bahaysatay baabiinteeda.

Intii u dhexaysay sannadihii 1947-49-kii, Falastiiniyiin ka badan 750,000 ayaa laga saaray tuulooyinkii iyo magaalooyinkoodii, xilligaasi oo tirada Falastiiniyiinta lagu qiyaasay inay ahayd 1.9 Milyan.

Badi qaxoontiga Falastiiniyiinta ah, ayaa u qaxay dalalka jaarka, kuwaas oo waddada u xaadhay dalka Yuhuudda loo samaynayo.

Wixii ka dambeeyay maalintaasi Musiibada, Falastiiniyiinta waxaa uga dambeeyay maalmo badan oo musiibo, kuwaas oo sababtooda dhakada laga saaray Israa’iil.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga