Dowlada Hoose ee magaalada Hargeysa ayaa bilawday hawl-gal ay ugu kuur galayso fayo-qabka weelka ay wax ku kariyaan hudheelada yar yar ee magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Sawiro laga qaaday weelasha hudheelada qaar ayaa muujinayay in aanay caafimaad ahaan u wanaagsanayn weelkaasi, isla markaana waxa ka muuqatay fayo-dhawr la’aan.

Hudheelada yar yar ee magaalda Hargeysa ayaa intooda badan aan lahayn fayo dhawr wanaagsan, waxaana dad badani ay ka dayriyaan shaqadooda iyo badqabka cuntada ay iibinayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga