Warar ka imanay degmada Buulo-burde oo katirsan gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inuu dagaal ku dhex maray ciidamada dawladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo kooxda Alshabaab habeenkii xalay ahaa.

Dagaalkan, ayaa la sheegayaa inuu sababay khasaare, iyadoo kooxda Alshabaab la sheegayo inay weerar kusoo qaadeen saldhig ciidanka dawladda iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen duleedka degamada Buulo-burde.

Labada dhinac ayaa sida ay wararku sheegayaan isku adeegsaday hubka culculus, taasoo aan weli si rasmi ah loo ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Jewiga Buulo-burde, ayaa maanta deggan, iyadoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ay ka wadaan dhaqdhaqaayo ciidan.

Wixii kasoo kordha kala Soco SAAB TV, qoraal,  sawir iyo qoraalba.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga