Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in Militarigu ay dileen Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaas, iyadoo lala dilay saraakiil katirsan xisbiga Tigray-ga ee TPLF.

Wararka ayaa sheegay in Militarigu hawl-gal ay fuliyeen ay ku dileen, 4 hoggaamiye oo TPLF ka tirsan.

Wasiirka hore ee la dilay, ayaa la odhan jiray Siyuun Musfin, waxaanu ayaa xilka wasiirka Arrimaha dibadda kasoo qabtay xukuumaddii Meles Zenawi, kaasi oo si wayn loogu yaqaan siyaasadda Itoobiya.

Meelaha sida wayn loogu xasuusto waxaa kamid ah arrimaha Soomaalida.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga