Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baarlamaanka Soomalaiya ay ansixiyeen heshiiskii doorashada, kaasi oo ay wada gaadheen madaxwaynaha Soomaaliya, maamul-goboleedada iyo gobolka Banaadir.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, ayaa la filayay inay maanta ka doodaan  heshiiskii ay kala saxeexdeen madaxda federaalka, maamul-goboleeda iyo gobolka Banaadir.

Fadhiga waxaa soo xaadiray 255 xildhibaan oo ay 40 ka mid ah yahiin Senetaro ka socday aqalka sare, waxaana lagu ansixiyay codad badan.

Codaynta ayaa u dhacday sida tan: 251 xildhibaan ayaa ansixiyay oo ogolaaday heshiiskii doorashada, 2 xildhibaan ayaa diiday halka 1 xildhibaan uu ka aamusay.

17-kii bishan Sibteembar ayey aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ay kala saxiixdeen heshiiskaasi.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga